Lacagta lagu bixiyo dhamaynta SFIga oo la dhaliilay Waxaa Qoray: JimcaleFriday, September 2nd, 2011

Lacagta lagu bixiyo dhamaynta SFIga oo la dhaliilay Waxaa Qoray: JimcaleFriday, September 2nd, 2011

Lacagta loo yaqaan SFI-bonus ee la siiyo dadka koorsada luuqada ku dhameeya mudo sanad ka yar ayaa aad loo dhaliilay iyadoo la sheegay in si aan wanaagsaneyn loo soo agaasimay isla markaana aysan ku caawin soo galootiga in ay luuqada degdeg u bartaan.
Warbixintaan oo uu soo ururiray wargeyska Riksdag & Departement ayaa lagu sheegay in dadka dhameeya luuqada ay yihiin kuwa firfircoon oo markasta dhameyn lahaa koorsada lacag haddii la siiyo iyo haddii kaleba. Ilaa markii la bilaabay sanadkii hore iyo hada ayaa waxaa lacagta qaatay 1950 qof lacagtaas oo gaareysa 18 milyan oo karoon.
Quburo la wareystay ayaa ku taliyay in wax laga badalo ujeedada loo bixiyo lacagta oo sheegay in ay haboontahay in dadka lagu siiyo lacagta heerka ay luuqada ka gaareen halka ay noqon lahayd waqtiga ay ku dhameeyaan.
Soo galootiga qaar ayaa lagu eedeeyaa in aysan dooneyn in ay dhameeyaan SFIga maadaama taasi ay noqoneyso in ay shaqooyinkooda ay saacado buuxa qabtaan ama in laga doonayo in ay baraatiik ama shaqo raadis galaan. Dhinaca kale dhameystirka SFIga ayaa qofka u furaya fursado waxbarasho oo balaraan iyo xoriyad uu ku guuri karo.www.gaani89.wordperss.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s