Maxaa Keenay In Fanaanku Sheegto Hees Qof Kale Leedahay? 2012-04-27 01:24:15

Maxaa Keenay In Fanaanku Sheegto Hees Qof Kale Leedahay? 2012-04-27 01:24:15

Maqaalkaan waxaan ku iftiiminayaa sababaha ugu waa weyn ee ka dambeeya in fanaanku sheegto hees aanu leheyn, arintaan matahay wax fanka Soomaalida ku cusub mise waa wax horay u jiri jiray?, mexeysa u dhimi kartaa magaca qofka lagu tilmaamay in uu sameeyay xatooyo hees kale oo qaf nool ama dhintay uu leeyahay.
Taariikh kooban oo ku saabsan Farxiya Fiska
Farxiyo Fiska oo doon korkeeda ku heestay
Fartuun Birimo oo noqotay fanaanada ugu dareenka badan Soomaalida .
Fartuun Birimo oo noqotay fanaanada ugu dareenka badan Soomaalida .
Nimco Dareen Heesteeda Ubad oo maalmahan Kacsan
Nimco Dareen oo Jigjiga lagu soo dhaweeyay dhaantana ku tuntay

Maaha wax ku cusub fanka Saamaaliya in hees qof horay u qaaday mar kale dib loo qaado, iyadoo inta badan aan la xusin qofkii heesta horay u qaaday marka laga reebo tiro yar oo iyagu magac dhaba qofkii heesta horay ugu luqeeyay iyo kii miraha sameeyay intaba, laakiin sidaan horay u sheegay waa tiro aad u yar.

Is qabqabsi badan ayaa ka jira fanka Soomaaliya mudooyinkii ugu dambeyay, waxaana lasoo bandhigay heeso horay loo qaaday oo fanaaniin da’yar ay dib u qaadeen misana sheegeen inay iyagu leeyihiin, laakiin la helay cadeymo muujinaya in aysan leheyn, waxaana ugu dambeeyay is qabsigaas, kii ka dhashay heesta “Booli” oo lagu bartay fanaanada “Nimco Dareen, ha yeeshee fanaanad kale ay ka dhawaajisay in heestaan ay iyadu leedahay kuna luqeysay muddo laga joogo wax ku dhaw 30-sano.

Waxaa ka horeyay heestaan mid kale oo iyadana uu qaaday fanaanka da’da yar ee Fu’aad Cumar, taas oo lagu magacaabo “Bal Soo Orod” waxaana la ogaaday in heestaan uu leeyahay fanaan reer Jabuuti ah oo lagu magacaabo Jaamac Hadaaf, iyadoo heestaan uu sheegtay inuu sameeyay Abwaan magaciisa lagu sheegay Qadar Dheere kadibna u dhiibay Fu’aad.

Maaha intaas oo kaliya is qabsiga dhacay, waxaa kale oo iyadana leysku dagaalay heesta “Dhag Dhag” oo ay ku caan baxday fanaanada codka macaan ee Farxiya Fiska, waxaana heestaan sheegatay inay leedahay, iyadana loo sameeyay Amina Sindiko oo cod dheer ku sheegtay in laga xaday heesta.

Madhihi karnaa balaayadu halka ay ka socoto waa ragga sheegta inay Abwaano yihiin ee fanaaniintu dambi malaha? maxaa yeelay heesaha sida badan laysku heysto Abwaano ayaa u dhiibay fanaaniinta, kuwaas oo sheeganaya inay iyagu curiyeen heesta laxankana saareen.

Isku soo wada duub is qabqabsiga fanka Soomaalida ayaad moodaa inuu sii kordhayo, sababtuna wax kale maaha ee waa hubsiino la,aan, maxaa yeelay fanaanka waxaa looga baahanyahay in uu iska eego qofka uu wax ka qaadanayo maadaama uusan nidaam ku shaqeyn, iyadoo dadka Abwaaniinta sheeganyana laga rabo inay ilaaliyaan anshaxa fanka, fanaankana aysan u dhiibin wax magaciisa hoos u dhigaya amaba laga yaabo in faka dhanba uu uga boxo.

Ceeb maaha in fanaanku qaado hees horay loogu luqeeyay, laakiin waxaa lama huraana in la xuso qofkii heesta horay u qaadi jiray iyo kii miraha iyo laxanka intaba sameeyay, taas ayaana fanaanku magac wanaagsan ku heli karaa, balse in hees qof kale leeyahay aad magacaada ku qorto qofkii lahaana aad qariso maaha wax haboon ama u wanaagsan sumcada qofka fanaanka ah.

mahamad ahmad
gaani89.wordperss.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s