Shahid Kapoor Oo Dacwad U Gudbiyay Poliska, Waa Maxay Sababtu?. 2012-04-26 08:15:32

Shahid Kapoor Oo Dacwad U Gudbiyay Poliska, Waa Maxay Sababtu?. 2012-04-26 08:15:32

Jilaagaan caanka ah ee Shahid Kapoor waxa uu kamid yahay xidigaha ugu muuqaalka wanaagsan Bollywoodka, wuxuuna leeyahay taageero aad u fara badan oo daafaha caalamka kala jooga, laakiin xidigaan maalmihii ugu dambeeyay waxaa laf dhuun gashay ku noqotay qof ay deris yihiin.
Shahid Kapoor: Waxba kama qabo inaan Heeso
Shahid Kapoor: Waxaan ahay Muslim Diin kalana ma rumeysani

Shahid waxaa nafta ku dhibtay gabar ay deris yihiin taasoo uu ku sifeeyay inay tahay qof caruur ah marka aad eegto qaab dhaqankeeda, wuxuuna dulqaad dheer kadib u gudbiyay dacwadeeda xero Polis oo gurigiisa ku dhaw.

Gabadhaan waxa ay dhibkaan ku heysay xidigaan muddo bil ah, waxeyna ku nooshahay guri saaran kiisa, iyadoo aad ula socotay dhaqdhaqaaqa Shahid, waxeyna jiiraanka ama deriska ugu sheekaysay inay tahay saaxibtiis, iyadoo mararka qaarna u sheegta deriska in ay tahay xaaska Shahid.

Shahid oo in muddo ah is moogeysiinayay hab dhaqankaas foosha xun ee qoftaan, waxa uu ugu dambeyn go’aansaday in dacwad uu ka gudbiyo, wuxuuna ku dacweeyay xero Polic oo ku dhaw xaafada ay wada deganyihiin, maxaa yeelay laf dhuun gashay oo kale ayey ku noqotay.

mahamad ahmad
gaani89.wordperss.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s