Somaliska SFI Skolan – Goob internetka oo luuqada si wadajir ah loogu barto Waxaa Qoray: JimcaleTuesday, October 11th, 2011

Somaliska SFI Skolan – Goob internetka oo luuqada si wadajir ah loogu barto Waxaa Qoray: JimcaleTuesday, October 11th, 2011

Ka dib markii aan furnay iskuulka teoriga bishii Augusti ayaa waxaa na soo gaaray codsiyo badan oo ku wajahan in aan sameyno mashruuc la mid ah oo luuqada lagu baranayo. Balse luuqada barashadeeda ayaan ahayn mid sida teoriga imtixaan intaad gasho ka dibna ku dhaafeysa ee barashada luuqadu waxay u baahanyahay horumar joogto ah iyo xiriir.
Hadaba markii aan ka fikirnay sidii lagu xalin lahaa dhibaatada ka haysata Soomaali badan sidii ay u dhaafi lahaayeen iskuulka SFIga isla markaana kor ugu qaadi lahaayeen heerkooda luuqada ayaan go’aansanay in aan abuurno goob online ah oo aan ku diyaarineyno casharo 50 ka badan oo lagu diyaarinayo afka Soomaaliga kuwaasoo daboolayaa dhamaan manhajka SFI iyo sidoo kale in ay noqoto goob si wadajir ah wax loogu barto oo qofka uu awood u leeyahay in uu wax ku darsado.
Ujeedadu waa in la abuuro goob ay ku diyaarsanyihiin casharada aasaasiga ah ee luuqada isla markaana ardadu ay maalinkasta isku waydaarsadaan aqoon cusub haddii ay ahaan lahayn wararka, muuqaalada, qoraalada oo dhamaantood luuqada Swedish ah.
Waxaan diyaarineynaa 50+ cashar oo ah aasaaska luuqada Swedishka oo lagu turjumay Soomaali.
Dhamaan ardada ayaa helaya awooda ay wax ku darsan karaan oo qofkasta wixii uu soo helo ardada kale la wadaagi karo.
Waxa uu yeelanayaa chat ay ardada ku sheegeysan karaan.
Waxaa diyaar ah macalin hawshiisa tahay in uu ardada ka caawiyo wixii suaalo ah.
Bogga waxa uu diyaar noqon doonaa 1 November 2011, cidii xiiseynaya in ay ka qeyb noqoto waxay codsigooda ka xareyn karaan halkaan http://ww.gaani89.wordperss.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s