Wasiirka dhaqanka Sweden oo cunsuriyadii ugu weyneyd lugaha la gashay [Video] Waxaa Qoray: JimcaleThursday, April 19th, 2012

Wasiirka dhaqanka Sweden oo cunsuriyadii ugu weyneyd lugaha la gashay [Video] Waxaa Qoray: JimcaleThursday, April 19th, 2012

Wasiirka dhaqanka Sweden Lena Adelsohn Liljeroth ayaa loogu baaqay in ay xilka isaga degto ka dib markii ay ka qeyb qaadatay jarida toorto lagu tilmaamay cunsuriyad.
Wasiirka oo ka qeyb qaadanaysay xaflad lagu dhigay Stockholm oo lagu soo bandhiyay farshaxanada ayaa lagu casuumay in ay jarto toorto loo egeysiiyay haweenay madoow ah oo aan dhar xirneyn isla markaana qaylinaysa iyadoo dhinaca dambe cad cad loo goosanayo toortada. Arintaan ayaa la sheegay in loogu tala galay in lagu muujiyo xanuunka gudniinka fircooniga.
Dadka ka soo qeyb galay xaflada oo ay ku jirto wasiirka ayaa u muuqday kuwo qoslaaya iyadoo xitaa la soo sawiray wasiirka oo quudineysa haweeneyda madoow. Ka dib markii ay sawirada iyo muuqaalada dhacdadaan internetka soo gaareen ayaa qaylo dhaan meelkasta ka soo yeertay iyadoo arintaan lagu tilmaamay in ay tahay cunsuriyad aan geedo loogu soo gamban. Arinta yaabka leh ayaa ah in toortadaan uu sameeyay nin afrikaan ah.
Si kastabaha ha ahaatee wasiirka ayaa raali galin ka bixisay dhacdada iyadoo sheegtay in aysan ula jeedin wax cunsuriyad ah ka qeyb galkeeda balse arintaas ayaa waxaa ka biyo diiday ururada Afrikaanka ee ka dhisan Sweden.
Bal halkaan ka daawada muuqaalka.h\\t.gaani89.wordperss.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s