Ardada Muslimiinta ah oo ka cabanaya cuntada aan hilibka lahayn Waxaa Qoray: JimcaleFriday, December 16th, 2011

Ardada Muslimiinta ah oo ka cabanaya cuntada aan hilibka lahayn Waxaa Qoray: JimcaleFriday, December 16th, 2011

Ardada Muslimiinta ah ee dhigata iskuulada Sweden ayaa ka cabanaya in aysan helin cunto xalaal ah oo ay cunaan iyagoo ku qasban in ay cunaan cuntada laga sameeyay qudaarta oo keliya. Dood wadaag lagu qoray wargeyska Corren ayaa arday ka mid ah ardada Muslimiinta ah ee dhigata dugsiyada sare waxa uu ku doodayaa in cuntada xalaasha ah loo sameeyo ardada.
Dooda ardeygaan oo lagu magacaabo Mustafa Muqtar ayaa ah in hilibka xalaasha ah ay cuni karaan dhamaan ardada oo dhan kuwa Muslimka ah iyo kuwa aan ahayn balse hilibka aan xalaasha ahayn aysan cuni karin ardada Muslimka ah. Mustafa ayaa ku doodaya in cuntada qudaarta ka sameysan ee hada ay cunaan ay tahay mid aan dhadhan iyo nafaqo lahayn.
Qaar ka mid ah Swedishka ayaa ku doodaya in cuntada xalaasha ah aan loo qalin si waafaqsan nidaamka daryeelka xayawaanka. Si kastaba ha ahaatee dooda ardayga ayaa la dhihi karaa waa mid wax ku ool ah inkastoo aysan muuqan in cidi dhageysan doonto.
Marar badan ayay cunsuriyiinta Sweden waxay ku doodaan in dalabaadka Muslimiinta uu marbamar sii kordhaya. Hadaba ma la dhihi karaa arintaas waxbaa ka jira? xaq ma u leenahay in aan dalbano in ardada oo dhan loo sameeyo hilib xalaal ah, halkii kuweenu ay ka cuni lahaayeen qudaarta? Waa dood furan…gaani89.wordperss.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s