article-2136209-12D4917B000005DC-490_634x385

article-2136209-12D4917B000005DC-490_634x385

Waana markii ugu horeysay ee tariikhda Premier League ee Chelsea ay afar gool ku hogaamiso ciyaar iyadoo 25 daqiiqo ay socoto, waana markii 6aad oo goolal si dhaqso ah loo dhaliyo horyaalka Ingariiska.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Fernando Torres uu dhameystirtay seddexleydiisa, waana markii ugu horeysya ee uu hat-trick u dhaliyo Blues tan iyo intii uu kaga soo biiray Liverpool Janaayo sannadkii hore.

El Nino ayaa noqday ciyaaryahankii 19aad ee taariikhda Premier League ee dhaliya ugu yaraan 4 hat-trick.

Ciyaaryahan Florent Malouda oo ka soo kacay kursiga keydka ayaana Chelsea u saxiixay goolkoodii 6aad ee ciyaarta, iyadoo ciyaarta oo 6 daqiiqo dhiman uu hal gool u soo celiyay kooxda QPR ciyaaryahan Djibril Cisse.

Waa markii ugu horeysay sidoo kale ee ay Chelsea xilli ciyaareedkan guul ka gaarto koox ka socota London, kulamadii ay soo ciyaareen London derby wax guul ah ma aysan soo gaarin.

Guushaan ayaa Chelsea waxa ay ka sahleysaa inay hal dhibic kaliya u jirto kaalinta afaraad oo ay ku jirto kooxda Newcastle, lakiin Blues ayaa u soo dhici doonta kaalinta 6aad hadii Tottenham ay badiso kulanka ay goordhow la ciyaari doonto Blackburn Rovers.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s