Di Matteo Oo Doonaya Inuu Bayern Kala Midoobo Dagaalka Ay Ugu Jiraan In Ganaaxa Laga Qaado 6 Ciyaaryahan. Waxaa Qoray: Saed Mohamed ahmadTaariikh: 29-04-12 12:20 PM

Di Matteo Oo Doonaya Inuu Bayern Kala Midoobo Dagaalka Ay Ugu Jiraan In Ganaaxa Laga Qaado 6 Ciyaaryahan. Waxaa Qoray: Saed Mohamed ahmadTaariikh: 29-04-12 12:20 PM

Tababare Roberto Di Matteo ayaa ku faraxsanaan lahaa hadii ay la midoobaan Bayern Munich si ay uga codsadaan UEFA inay ganaaxa ka qaadaan lixda ciyaaryahan oo seegaya finalka Champions League.

Di Matteo ayaa qirtay inay dhib noqon doonto in UEFA laga dhaadhiciyo inay bedelaan sharcigooda ka hor finalka ka dhacaya Allianz Arena, lakiin waxa uu isku diyaarinayaa inuu dagaal u galo isagoo rajeynaya inuu caawinaad ka helo Bayern Munich si looga qaado ciyaartoyda ku maqan ganaaxyada jaalaha ah.

Ururka ay ku mideysan yihiin ciyaartoyda adduunka ee FIFPro ayaa ugu baaqday UEFA inay ganaaxa ka qaadaan lixda ciyaaryahan oo min seddex ka mid ah ay ka socdaan labada kooxood, lakiin UEFA ayaa iska dhegatirtay baaqooda.

UEFA waxa ay sheegtay khamiistii inaysan qorshaha ugu jirin inay bedesho sharcigeeda ganaaxa ka hor finalka 19ka May.

Bayern iyo Chelsea ayaa laga yaabaa inay cod isku mid ah kula hadlaan UEFA si naxariis loogu sameeyo labada kooxood, waxaan mar la weydiiyay Di Matteo hadii uu Bayern kala hadli doono inay ku midoobaan codsigaas waxa uu ku jawaabay:

“Hadii ay jirto suurtogalnimo aan ku sameyn karno, waan ka fiirsan doonaa dabcan”

“Lakiin waxaan qabaa inay adkaan doonto in UEFA ay inaga aqbasho”

Chelsea ayaa ganaax jaalayaal ah waxaa kaga maqnaan doona Ramires, Meireles, iyo Ivanovic, halka Bayern Munich ay ka maqnaan doonaan Holger Badstuber, David Alaba iyo Luiz Gustavo

John Terry ayaa isna ganaax casaan ah ku seegaya finalka Champions League.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s