Drogba Oo Noqday Ciyaaryahankii Ugu Horeeyay Ee Afrikaan Ah Ee 100 Gool Ka Dhaliya Premier League. Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti Taariikh: 29-04-12 9:31 PM

Drogba Oo Noqday Ciyaaryahankii Ugu Horeeyay Ee Afrikaan Ah Ee 100 Gool Ka Dhaliya Premier League. Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti Taariikh: 29-04-12 9:31 PM

Didier Drogba ayaa ka caawiyay Roberto Di Matteo inuu ku bilowdo guul kulankiisii ugu horeeyay ee isagoo macalin buuxa u ah kooxda Chelsea, isagoo goolkaasi ku noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee African ah ee 100 gool ka dhaliya Premier League, hadaba waxaan dib u fiirin doonaa maxaa laga bartay kulamadii maanta ee horyaalka England.

Bolton Wanderers – Queens Park Rangers 2-1

> Bolton ayaa soo gabagabeysay guuldaradoodii afaraad oo isku xigta iyagoo helay guushoodii 7aad ee xilli ciyaareedkan. QPR ayaa ah kooxda kaliya ee ay Bolton labo jeer ka badisay xilli ciyaareedkan.

Aston Villa – Fulham 1-0

> Aston Villa ayaa ah kooxdii ugu horeysay ee Premier League ee iska aamusisa Pavel Pogrebnyak kaasoo shabaqa soo taabtay seddexdiisii kulan ee ugu horeysay Fulham.

Chelsea – Stoke City 1-0

> Didier Drogba ayaa dhaliyay goolkiisii 100aad ee Premier League, isagoo noqday ciyaaryahankii 21aad ee gaara 100kaas gool ee ka soo jeeda qaarada Afrika.

> Samuel Eto’o oo maanta dhalashadiisa ay ku began tahay ayaa ah ciyaaryahan kale ee Afrika ka soo jeeda ee horyaalada yurub ugu waa weyn ku dhaliyay 100 gool iyo wax ka badan, Eto’o waxa uu rikoorkaas ku gaaray La Liga.

> Ricardo Fuller oo casaan qaatay daqiiqadii 25aad ee qeybtii hore ee ciyaarta, ayaa ah ciyaaryahankii sida dhaqsaha leh abid looga saaray garoonka ciyaar Premier League ah kooxda Stoke City.

Wolverhampton Wanderers – Blackburn Rovers 0-2

> Junior Hoilett ayaa noqday ciyaaryahankii labaad ee Canada u dhashay ee labo gool ka dhaliya Premier League, ciyaaryahanka kale waxa uu ahaa Tomasz Radzinski oo Everton u dhaliyay labo gool 22kii Febraayo 2003dii.

Sunderland – Liverpool 1-0

> Liverpool ayaa laga badiyay kulankii 3aad oo isku xiga Premier League waa markii ugu horeysay tan iyo markii uu macalin u noqday Kenny Dalglish Janaayo 2011kii.

> Nicklas Bendtner ayaa sii dheereystay rikoorka ciyaaryahanka ugu goolasha badan Premier League ee ka soo jeeda Denmark isagoo dhaliyay goolkii 27aad ee EPL.

Xigasho: Infostrada

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s