Gogolka Dhiga Kulamada Xamaasada Leh Ee Serie A Ee Maanta Iyo Berri La Ciyaari Doono. Waxaa Qoray: Saed Mohamed ahmad Taariikh: 28-04-12 7:03 AM

Gogolka Dhiga Kulamada Xamaasada Leh Ee Serie A Ee Maanta Iyo Berri La Ciyaari Doono. Waxaa Qoray: Saed Mohamed ahmad Taariikh: 28-04-12 7:03 AM

* Juventus oo la filayo in hadii ay xilli ciyaareedkan ku guuleystaan Serie A soo xiran doonta maaliyad seddex xiddig leh ayaa waxaa ganaax kaga maqan Alessandro Matri kulanka ay axada u safrayaan Novara, kuwasoo horyaalka heerka labaad u laaban doona hadii aysan badinin.

Juve oo labo horyaal looga qaaday fadeexadii Calciopoli ayaa weli ku adkeysaneysa inay xaqdarro aheyd islamarkaana ay xisaabsanayaan inay qaadeen 29 horyaal, hadii ay midkaan qaadaana uu u noqon doono koodii 30aad.

Lakiin xiriirka kubada cagta Talyaaniga ayaa u xisaabinaya Juve 27 horyaalka kaliya.

* Kooxda kaalinta labaad ee AC Milan oo seddex dhibcood ka danbeysa Juventus ayaa laga yaabaa inay ku soo bilowdo markii ugu horeysay Antonio Cassano tan iyo intii qaliin wadnaha ah lagu sameeyay shan bilood ka hor marka ay axada booqanayaan Siena.

Tababaraha xulka qaranka Italy Cesare Prandeli ayaa booqday isbuucaan xarunta tababarka Milan waxaana uu ku faraxsanaa horumarka uu sameynayo Cassano isagoo doonaya inuu ku darsado qorshahiisa ciyaaraha Euro 2012.

* Kooxda kaalinta 3aad ee Lazio, kuwasoo booqan doona kooxda kalinta 5aad ee Udinese axada, inkastoo bartamihii todobaadkan ay guuldarro ka soo gaartay kooxda Novara, ayaa halis ugu jirta inay qasaan arimo ka dhacaya banaanka garoonka.

Weeraryahankoodii hore Giuseppe Signori ayaa ku guuldareystay racfaankii uu ka qaatay ganaaxii ahaa inuusan mar danbe wax kubada cagta ku saabsan ka qeyb qaadan karin ka dib markii lagu helay qamaar, halka madaxweynaha Lazio Claudio Lotito isna laga ganaaxay kubada cagta muddo 10 bilood ah ka dib markii uu si sharci darro ah ciyaartoy kula soo wareegay.

Sida xaqiiqda ah ganaaxa la duldhigay madaxweynaha Lazio waxa uu ku yeelan doonaa saameyn yar, sababtoo ah shirarka waa weyn waxaa uga qeybgeli doona wakiiladiisa lakiin weli isaga ayaa madax ka sii ahaan doona kooxda mudada ganaaxa uu ku jiro.

* Madaxweynaha Palermo Maurizio Zamparini oo kooxdiisa aysan weli ka badbaadin halista ay ugu hari karto horyaalka heerka labaad iyadoo afar kulan ay horyaalka ay ka dhiman tahay islamarkaana ay maanta la ciyaari doonaan kooxda ay xafiiltamaan ee Catania, ayaa sidoo kale lagu ganaaxay muddo sannad ah ka dib markii lagu helay danbi la mid ah kan Lotito.

* Tababaraha kooxda AS Roma Luis Enrique oo tartan u geli lahaa shaqada Barcelona hadii uu sii ahaan lahaa macalinka Barcelona B ayaa sheegay inuusan wax shalaayto ah ka qabin go’aankiisa uu kaga soo tagay Catalans islamarkaana uu isha ku haya dagaalka tooska ah eenay ugu jiraan boos Yurub ah marka ay maanta la ciyaarayaan Napoli.

“Marnaba kama aanan qoomameynin imaanshaheyga Roma” ayuu Enrique ku yiri shirkiisa jaraa’id ka dib natiijooyin xun xun oo keenay in Roma ay kaalimta 7aad ku jirto.

“Waa ii sharaf inaan tababare u noqdo kooxdaan”

Kooxdiisa Roma ayaa kulan weyn la ciyaari doonta Napoli oo kaalinta 4aad ku jirta, iyagoo weli rajo ka qaba inay ka qeyb qaataan tartan yurub ah.

* Inter Milan, ayaa weli ganbaad ugu jirta inay hesho boos tartamada Yurub ah waxaana dhaawac kaga maqan Walter Samuel marka ay axada booqanayaan Cesena, halka Javier Zanetti iyo Cristian Chivu uu shaki ku jiro inay ciyaari garaan, waxaana ganaax ku maqan Dejan Stankovic.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s