Real Madrid Oo Hal Talaabo U Jirta Hanashada La Liga Ka Dib Markii Ay Garaaceen Sevilla. Waxaa Qoray: Saed Mohamed ahmad Taariikh: 29-04-12 2:51 PM

Real Madrid Oo Hal Talaabo U Jirta Hanashada La Liga Ka Dib Markii Ay Garaaceen Sevilla. Waxaa Qoray: Saed Mohamed ahmad Taariikh: 29-04-12 2:51 PM

Real Madrid ayaa hogaanka La Liga ku qabatay 10 dhibcood ka dib markii ay seddex gool iyo waxba kaga badiyeen Sevilla oo marti ku aheyd Santiago Bernabeu, iyadoo seddex kulan ay kaga dhiman tahay horyaalka.

Ciyaaryahan Ronaldo ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Los Blancos qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana uu ahaa goolkiisii 43aad ee La Liga xilli ciyaareedkan.

Goolkaas ayaa Ronaldo ka dhigay ciyaaryahankii 10aad ee ugu goolasha badnaa La Liga taariikhda Real Madrid isagoo leh 109 gool, waxaana uu booskaas kala baxay Pahino.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay goolkaas uu dhaliyay xiddiga reer Portugal, lakiin markii la isku soo laabtay daqiiqadii 49aad ciyaaryahan Benzema ayaa hogaanka u dheereeyay kooxda Los Blancos.

Daqiiqado ka dibna isaga ayaa madax ku dhaliyay goolkii seddexaad ee Real Madrid, waxaana uu haatan leeyahay 20 gool oo La Liga ah xilli ciyaareedkan.

Labada gool ee Benzema uu dhaliyay ayaa ka dhigeysa inuu xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan shabaqa uu soo taabtay 31 jeer, waxaana uu barbareeyay rikoorkiisii shaqsiga ahaa ee markii uu joogay Olympique Lyon xilli ciyaareedkii 2007/08.

Real Madrid ayaa haatan waxa ay leedahay 91 dhibcood halka Barcelona ay leedahay 81 dhibcood, lakiin caawa ayay la ciyaari doonaan kooxda Rayo Vallecano.

Los Blancos ayaa xaqiijisan doonta hanashada horyaalka hadii Barca ay caawa guuldarro ka soo gaarto Rayo Vallecano.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s