Waxaa Qoray: Saed Mohamed ahmad Taariikh: 29-04-12 5:22 PM

Waxaa Qoray: Saed Mohamed ahmad Taariikh: 29-04-12 5:22 PM

Chelsea ayaa soo gashay kaalinta shanaad waxaana ay hal dhibic u jiraan kaalinta afaraad ka dib markii ay lix gool iyo gool ku xasuuqeen kooxda QPR oo marti ku aheyd garoonka Stamford Bridge. Iyadoo Fernando Torres uu dhaliyay seddexleey, islamarkaana uu soo bandhigay in kalsoonidiisii ay soo laabatay.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay iyadoo aysan wax gacan qaad ah dhexmarin ciyaaryahanada labada kooxood sida madaxda Premier League ay soo jeediyeen, waxaana Chelsea ay ku bilaabatay si dardar leh ka dib markii ciyaarta oo 40 ilbiriqsi socota uu gool qatar ah shabaqa ku hubsaday Daniel Sturridge.

Waxaana Chelsea hogaanka u sii dheereeyay kabtankooda John Terry oo kubad madax aheyd shabaqa dhexdhigay, ciyaaryahan Fernando Torres ayaa u seddexeeyay ka dib markii uu baas qatar ah ka helay Kalou, isla isaga ayuuna ahaa ciyaaryahankii dhaliyay goolka afaraad markii uu ka faa’ideystay qalad ay sameeyeen daafaca iyo goolhayaha QPR. 25 daqiiqo markii ay ciyaarta socotay waxa ay aheyd 4-0.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s