Barcelona Oo 7 Gool Ku Xasuuqday Rayo Vallecano Islamarkaana Dib U Dhigtay Dabaaldega Madrid. Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti Taariikh: 30-04-12 4:09 AM

Barcelona Oo 7 Gool Ku Xasuuqday Rayo Vallecano Islamarkaana Dib U Dhigtay Dabaaldega Madrid. Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti Taariikh: 30-04-12 4:09 AM

Barcelona ayaa si la yaqaano uga soo kabsatay natiijooyinkii xumaa ee ay wajaheen seddexdii kulan ee ugu danbeysay ka dib markii ay 7-0 ku xasuuqeen kooxda Rayo Vallecano oo marti loogu ahaa Campo de Fútbol de Vallecas, waxaana ay hakad geliyeen xafladii ay Real Madrid ugu dabaaldegi laheyd hanashada horyaalka.

Barcelona ayaa ciyaartaan soo aaday iyagoo maanka ku haya in guuldarro soo gaarta ay horyaalka gacanta u gelineyso Madrid, lakiin goolal ay qeybtii hore kala dhaliyeen Lionel Messi iyo Seydou Keita iyo gool uu iska dhaliyay Rober ayaa kooxda Pep Guardiola u sahlay inay qeybtii hore ciyaarta ku hogaamiso 3-0, halka qeybtii labaad ay goolasha halkooda ka sii wadeen Thiago, Messi iyo Pedro oo labo gool kale sii dhaliyay.

Pep Guardiola ayaa lix bedel ku sameeyay kooxdiisa ku guuldareysatay inay guul ka gaarto Chelsea ee Champions League, waxaana ay dabaaldega Real Madrid ay dib ugu dhigeen isbuuca soo socda.

Real ayaa ka war qabta in guul ay ka gaarto Athletic Bilbao 2da bisha May inay u xaqiijin doonto hanashada horyaalka La Liga markii 32aad.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa haatan gooldhalinta La Liga ku wada hogaaminaya 43 gool, iyadoo seddex kulan ay ka harsan tahay horyaalka.

18 Aragtiyadood ayaa laga bixiyay: Barcelona Oo 7 Gool Ku Xasuuqday Rayo Vallecano Islamarkaana Dib U Dhigtay Dabaaldega Madrid.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s