FA-ga Oo Laga Yaabo Inuu Tababaraha England U Magacaabo Roy Hodgson. Waxaa Qoray: Mohamed gaani Taariikh: 30-04-12 1:03 AM

FA-ga Oo Laga Yaabo Inuu Tababaraha England U Magacaabo Roy Hodgson. Waxaa Qoray: Mohamed gaani Taariikh: 30-04-12 1:03 AM

Tababaraha kooxda WestBrom ayaa la siiyey fasax ah inuu wadahadalo la geli karo xiriirka kubbada cagta wadanka Ingiriiska iyadoo FA raadinayo cidii buuxin lahayd booska ka banaan xulka kubbada cagta ee England.

David Bernstein oo ah madaxa FAga ayaa sheegay in 64jirkan uu yahay musharaxa kaliya ee booska ka banaan xulka England.

Hodgson ayaa heshiiska uu kula joogo kooxda Hawthorns waxa uu ku eg yahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Waxaan u mahadcelinayaa Jeremy iyo dhamaan kooxda West Bromwich Albion sida ay iigu ogolaadeen inaan wadahadal la geli karo Roy oo aan isla markaaba aan la hadlay,”ayuu yiri Bernstein qoraal uu soo saaray.

Waxana uu madaxa xiriirka kubbada cagta England intaa sii raaciyey “Roy waa tababaraha kaliya ee aan dooneyno waxana aan wadnaa sidii aan waqtigii aan qorsheynay aan ugu dhowaaqi lahayn cidii bedeli lahayd tababare Fabio Capello.

“Wadahadalo dheeraad ah ayaa dhex mari doona mas’uuliyiinta xulka England iyo Roy kahor inta aan si rasmi ah loogu dhowaaqin.”

Hodgson ayaa leh waayoaragnimo dhinaca tababarka heer qaran waxana uu hore uu u soo noqday tababaraha xulalka Switzerland, UAE iyo Finland. Waxana uu hore uu macalin u soo noqday kooxo badan oo laga xusi karo Inter Milan iyo Liverpool.

Warkan ka soo baxay FAga ayaa layaab waxa uu ku noqday tababaraha kooxda Tottenham oo dad badani ay is lahaayeen isaga ayaa booskaas buuxin kara.

Sidoo kale tababarayaal badan ayaa rajo ka qabay in ay qabtaan xulka England oo tartanka Euro 2012 doonaya inuu meel wanaagsan ka galo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s