LIVERPOOL (4-2-3-1): Reina; Johnson, Skrtel, Agger, Enrique ; Henderson, Shelvey ; Downing, Gerrard, Bellamy; Suarez         CHELSEA (4 -2 -3-1): Cech; Bosingwa, Ivanovic, Terry, Cole; Mikel, Meireles; Ramires, Lampard, Mata; Drogba     MA OGTAHAY?  Fool -ka- Fool  • Liverpool ayaa badisay 73 kulan waxa ay barbaro galeen 33 kulan waxaana ay Chelsea badisay 56 kulan, 162 kulan oo horyaal iyo koob oo ay soo ciyaareen muddo ka badan 105 sannadood.  • Kooxda Reds ayaa indhaha ku heysa guushoodii shanaad oo isku xigta oo ay ka gaaraan Chelsea, iyo guushii seddexaad oo ay ka gaaraan xilli ciyaareedkan, madaama ay 2-1 kaga soo badiyeen Stamford Bridge Premier League xilli ciyaareedkan, iyo iyagoo isla garoonkaas 2-0 kaga badiyay kulan ka tirsanaa Carling Cup.  • Labada kooxood ayaa markii ugu horeysay ku kulmaya finalka FA Cup, waana markii 10aad oo ay ku kulmayaan koobkaan FA Cup. 9kii kulan kale ee ay soo ciyaareen koobkan Chelsea ayaa soo badisay shan jeer halka Liverpool ay badisay afar jeer. Kulankii ugu danbeeyay ee FA Cup ay ku kulmaan waxa ay aheyd guushii ay Liverpool 2-1 kaga badisay semi-finalkii bishii Aprill 2006, taasoo markii danbe ay Reds ka badisay West Ham islamarkaana koobka qaaday.  Chelsea  • Waa finalkii 131aad ee FA Cup, waana markii 11aad oo Chelsea ay gaarto finalka FA Cup.  • Blues ayaa rajeyneysa inay koobkaan qaado markii afaraad lix sanno gudaheeda, iyo markii todobaad ee tariikhdooda.  • Hadii ay koobkaan qaadaan waxa ay soo nooleyneysa rajada ah in Chelsea ay noqoto kooxdii labaad ee isku qaada FA Cup iyo Champions League, waxaana sidaasi hore u soo sameysay Manchester United 1999.  • Tababaraha Chelsea Roberto di Matteo ayaa isagoo ciyaaryahan ah waxa uu kooxda la soo qaaday labo FA Cup oo kala ah 1997 iyo 2000.  • Frank Lampard ayaa ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan kooxda Chelsea waxaana uu leeyahay 16 gool. Lakiin Juan Mata ayaa ugu sareeya dhanka goolasha kooxda Chelsea marka ay timaado FA Cup waxaana uu u dhaliyay afar gool.  Liverpool  • Liverpool ayaa ciyaareysa markii 14aad finalka FA Cup. Hadii ay badiyaan waxa ay koobkan qaadi doonaan markii sideedaad, waxaana ay noqon doonaan kooxda seddexaad ee ugu koobabka badan ka dib Manchester United (11) iyo Arsenal (10).  • Ka dib markii ay rigoorayaal ku qaadeen Carling Cup bishii Febraayo, Liverpool ayaa rajeyneysa inay ku qaado FA Cup markii ugu horeysay garoonka cusub ee Wembley.  • Reds oo ku guuldareysatay inay badiso lix ka mid ah sideedii kulan ee ugu danbeysay Premier League, ayaan laga badin kulan ka mid ah FA Cup ama Carling Cup xilli ciyaareedkan, waxaana ay qarka u saaran yihiin inay noqdaan kooxdii ugu horeysay ee labo jeer isku qaada FA Cup iyo Carling Cup hal xilli ciyaareed. Kaliya seddex kooxood ayaa hal xilli ciyaareed isku qaaday Carling Cup iyo FA Cup Arsenal 1993, Liverpool  2001 iyo Chelsea 2007.  • Kenny Dalglish ayaa rajeynaya inuu qaado koobka FA Cup markii seddexaad isgoo macalin u ah Liverpool. Waxa uu Reds ku hogaamiyay koobka FA Cup 1986 iyo 1989.  • Luis Suarez ayaa ah ciyaaryahanka ugu goolasha badan Liverpool xilli ciyaareedkan isagoo leh 17 gool, lakiin Andy Caroll ayaa ah ciyaaryahanka Liverpool ugu goolasha badan FA Cup waxaana uu dhaliyay seddex gool.     10 Aragtiyadood ayaa laga bixiyay: Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Finalka FA Cup Ee Liverpool v Chelsea.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s