Didier Drogba ayay u muuqataa inuu u ciyaaray Chelsea kulankiisii ugu danbeeyay, iyadoo la filayo in kooxda ay xaqiijiso inuu ku biirayo kooxda reer China ee Shanghai Shenhua sida ay qortay jariirada Daily Mail.  Waxa ay la micno tahay in markii ugu danbeysay ee Drogba uu xirto maaliyada Chelsea inay aheyd kubadii rigoorada ee uu ugu qaaday Champions League habeenkii sabtida. Didier Drogba ayaa la filayaa inuu China ka garab ciyaaro saaxiibkiisii hore Nicolas Anelka, isagoo qaadan doona isbuucii 250 kun ginni.  Waxaana sida Daily Mail ay sheegeyso bixitaankiisa raaci doona maalgeshi cusub oo uu Roman Abramovich ku sameeyo kooxda.     Milkiile Abramovich ayaa helay koobkii uu raadinayay tan iyo 2003dii, waxaana ay uu koobka Champions League soo xaadiray ka dib markii uu hal bilyan ginni uu ku qarashgareeyay Blues intii uu milkiile ka ahaa.  Ninka reer Russia ayaa ciyaartoydiisa ku booqday qolka labiska ka dib markii ay koobka qaadeen, isagoo u cadeeyay inuu jiri doono maalgashi cusub oo uu kooxda ku sameyn doono.  Todobaadkan waxa uu la kulmi doonaa tababare Di Matteo si ay uga wadahadlaan mustaqbalkiisa, waxaana la ogsoon yahay inay jirto fursad fiican oo heshiis loogu soo bandhigo tababaraha Talyaaniga, taasoo Abramovich u ogolaaneysa inuu sugo inta Guardiola uu nasashada ku maqan yahay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s