Arsenal Oo Sheegtay Inay Bankiga U Jabin Doonin Si Ay U Ceshtaan Robin Van Persie. Waxaa Qoray: Saed Mohamed Balaleti Taariikh: 10-06-12 3:13 PM

Gudoomiyaha kooxda Arsenal Peter Hill-Wood ayaa shaaca ka qaaday in Arsenal aysan bankiga u jabin doonin si ay u ceshtaan kabtankooda Robin van Persie. Ciyaaryahanka reer Holland oo haatan la maqan xulkiisa ayaa xilli ciyaareedkii dhamaaday soo bandhigay qaab ciyaareed aad u wanaagsan isagoo dhaliyay 30 gool oo Premier League ah waxaana uu ku guuleystay laacibka sannadka Premier League. Waxaana ay taasi keentay inuu soo jiito kooxo badan oo ay ku jiraan Manchester City iyo Juventus, iyadoo qandaraaskiisa Arsenal ay uga harsan tahay hal sanno, lakiin weli mustaqbalka RVP kalama cada. “Muhim ayuu inoo yahay, waana kabtana aad u fiican” ayuu Hill-Wood u sheegay The Sun. “Lakiin hadii ay timaado koox u soo bandhigeysa Robin mushahar 250 kun isbuucii ah, markaas waxaan ka baqayaa inaanan la tartami Karin”. “Ciyaartoyda ma ogaan kartid waxa ay doonayaan inay sameeyaan” “Ciyaartoyda qaar waxa ay dhahaan waxaan dooneynaa koob lakiin marka ay arkaan lacag badan waa ay ku boodaan, markaas waa inaad rajeysaa kaliya inay joogaan” “Waxaa jira ciyaartoy sida Ryan Giggs iyo Paul Scholes ee Manchester United kuwasoo daacad u ahaa hal koox lakiin ciyaartoy sidaasi oo kale ah aad ayay u yar tahay in la helo”. “Waxaan rajeyneynaa inaan heshiis la gaari doono Robin, islamarkaana uu qandaraaskiisa inoo kordhin doono” “Waxaan durbaba soo iibsanay hal ciyaaryahan Lukas Podolski, waxaana rumeysanahay inaan keeni doono ciyaartoy kale. Xaqiiqdii kalsooni ayaan ku qabaa taas” “Kaliya waxaan rajeynayaa in Robin uu nala sii joogo xilli ciyaareedka soo socda sababtoo ah waxaan dareemayaa inaan u tartami doono Premier League”.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s